Amman (Lamaane.net) - Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho ku jooga Boqortooyada Urdun, ayaa booqday Xarunta Tababbarka Ciidamada Gaarka ah ee Boqor Cabdalla II (King Abdullah II Special Operations Training Center – KASOTC), halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Agaasimaha Fulinta ee xarunta, Col. Khaldoon Rsheidat.
Wasiirka iyo mas’uuliyiinta xarunta ayaa ka wada hadlay fursadaha lagu ballaarin karo tababbarka Ciidamada Gaarka ah iyo sidii Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay uga faa’iidaysan lahaayeen khibradaha iyo barnaamijyada tababbar ee KASOTC, si loo xoojiyo tayada, xirfadaha iyo diyaar-garowga ciidamada, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada iyo howlgallada gaarka ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale dhagaystay warbixin ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta xarunta oo ku saabsan howlaha KASOTC, tababbarka ciidamada gaarka ah iyo hababka casriga ah ee loo adeegsado fulinta barnaamijyada tababarka takhasuska leh. Wasiirka iyo wafdiga la socday ayaa kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee xarunta iyo goobaha tababarka.

