Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay kaltanka Seddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

by: Staff Reporter | Tuesday, 14 July 2026 22:00 EAT
0 Comments
8
Muqdisho (Lamaane.net) - Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Seddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development Forum), oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Machadka Heritage iyo Jaamacadda City ee Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo madasha ka hadlay ayaa sheegay  in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar muuqda oo dhinacyada dib-u-habaynta dowladnimada, dimuqraadiyadda, kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga horumarineed, inkastoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada, hoos u dhaca taageerada caalamiga ah iyo saameynta xasillooni darrada gobolka.

Waxa uu xusay in dowladda ay ka go’an tahay dardargelinta hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), xoojinta adkeysiga dhaqaalaha iyo u diyaar-garowga khataraha soo socda.

Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda wadahadalka, dowlad-dhiska loo dhan yahay iyo iskaashiga dowladda, bulshada rayidka ah, aqoonyahannada iyo bah-wadaagta horumarinta, si loo helo Soomaaliya nabad ah, dimuqraadi ah oo xasilloon.

Shirweynaha oo socon doona labo maalmood ayaa lagu falanqeyn doonaa arrimo muhiim u ah mustaqbalka dalka, oo ay ka mid yihiin dowlad-wanaagga, dib-u-heshiisiinta, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo adkeysiga Soomaaliya ee caqabadaha gudaha iyo kuwa dibadda. 

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items