Muqdisho (Lamaane.net) - Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta si wadajir ah u dhagax-dhigay mashruuc ballaaran, halka ay xarigga ka jareen waddo cusub oo qayb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo Caasimadda.
Mashruucan ayaa ka kooban xarun ganacsi oo casri ah, dhismayaal deegaan ah, xarumo adeegyo ganacsi iyo jardiinno nasiinno, kuwaas oo laf-dhabar u noqon doona kobcinta dhaqaalaha, horumarinta kaabayaasha magaalooyinka, kor u qaadista billicda caasimadda iyo abuurista fursado shaqo oo cusub.
Munaasabadda dhagax-dhigga, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir, iyo ganacsatada maalgelinaysa mashruucan.
Qorshahan dib-u-habeynta iyo casriyeynta caasimadda, wuxuu qayb ka yahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib ugu soo celisay gacanteeda dhulalkii danta guud, kuwaas oo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka loogu qoondeeyey mashaariic horumarineed oo wax weyn ka tari doona adeegyada bulshada iyo koboca dhaqaalaha.

