Muqdisho (Lamaane.net) - Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali ayaa caawa ku guddoomiyay caasimadda Muqdisho kulanka koowaad ee Guddiga qaban-gaabada xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ee Sanadguurada 66-aad ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo, kaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kulankan shaqo ayaa lagu gorfeeyey jadwalka shaqo ee guddiga, muhiimadda maalmahan qaran, weyneyntooda, sidii looga xusi lahaa dal iyo dibad iyo guud ahaan dardargalinta howlaha qabanqaabada Munaasabadahan ay qeyb ka yihiin hey’adaha Kala duwan ee dowladda.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay xubnaha Guddiga ee ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho.

