Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Dowladda Soomaaliya oo ka digtay roobab daadad leh

by: Staff Reporter | Friday, 10 July 2026 03:06 EAT
0 Comments
6
Muqdisho (Lamaane.net) - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta khatarta roobabka Super El Niño oo ay soo diyaariyeen Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyo Hey'adda SoDMA.
Warbixinta ayaa tilmaantay in Soomaaliya ay wajahayso fatahaado, daadad degdeg ah iyo barakac, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara beeraha, xoolaha, wax soo saarka iyo amniga cunnada dalkeenna.

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay qorshe qaran oo lagu xoojinayo u diyaargarowga, tallaabooyinka ka hortagga iyo iskaashiga hey’adaha dowladda, si looga jawaabo, loona yareeyo saameynta El Niño, iyada oo ahmiyadda la saarayo ilaalinta nolosha shacabka, beeraha iyo sugnaanta cuntada dalka.

Shirka, oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey:

Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkmenistan, kaas oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed.
Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Hindiya, kaas oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed.
Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo dekedaha.
Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaalanka Musuq-Maasuqa (2026- 2030).

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items