Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Kumaandooska Danab oo howlgal ka fuliyay Tooratoorow

by: Staff Reporter | Thursday, 16 July 2026 22:11 EAT
0 Comments
9
Muqdisho (Lamaane.net) - Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa howlgal qorsheysan oo burburin ah ka fuliyay degmada Tooratoorow, iyo deegaannada Caliyoow Baarow, Doonka iyo Farsooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ciidamada ay ku burburiyeen xarumo iyo gabaadyo ay kooxdaasi u adeegsan jirtay isku abaabul iyo qorsheynta falalka amni-darrada.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ujeeddada ay ahayd in la wiiqo awoodda Al-Shabaab, lana baabi'iyo saldhigyada ay kaga sugan yihiin deegaannada howlgalku ka dhacay.

Ururrada 161-aad iyo 164-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa fuliyay howlgalkan, iyagoo sii wada dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha qalqal-geliya amniga, si loo xaqiijiyo nabadda, xasilloonida iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items