Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Ra'iisul wasaaraha oo qaabilay Taliyaha Booliska Jabuuti

by: Staff Reporter | Thursday, 16 July 2026 23:08 EAT
0 Comments
9
Muqdisho (Lamaane.net) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda Jabuuti, Col, Cabdiraxmaan Cali Kaahin, oo booqasho ku yimid dalka.
Kulanka ayaa daarnaa salaan Iyo booqasho uu Taliyaha Boliiska Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ugu yimid Ra’iisul Wasaaraha, waxaana laga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal u dhexeeya.

Ra'iisul wasaaraha ayaa ka mahadceliyay booqashada, isaga oo xusay in xiriirka Soomaaliya ibo Jabuuti uu ku salaysan yatay walaalnimo iyo is garabsi.

Taliyaha Booliska Jabuuti ayaa ka mahadceliyay soo dhowaynta iyo qaabilidda sarraysa ee loogu sameeyay caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Booliska Soomaaliya, Jen. Asad Cusmaan (Diano) iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya, Col, Cusmaan Dubad Sugulle.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items