Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga Dalka oo socdaal shaqo ku tagay Ceeldheer

by: Staff Reporter | Sunday, 5 July 2026 23:12 EAT
0 Comments
5
Ceeldheer (Lamaane.net) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ka socdaan dadaalLo lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan aaggaasi ayaa hroumarro dhanka amniga ah ka sameeyeen tan iyo markii ay gacantooda dib u soo gashay degmadaasi.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu tahay u kuurgelidda xaaladda amniga, qiimeynta howlgallada ka socda deegaannada gobolka, iyo dhiirrigelinta ciidamada XDS ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Mas’uuliyiinta ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, iyagoo warbixinno ka dhageystay xaaladda amni, horumarka howlgallada, iyo baahiyaha jira si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida.

Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa bogaadiyay geesinnimada iyo naf-hurnimada ciidamada ku sugan furimaha hore, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed. 

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items