Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Ingiriiska arrimo la xiriira iskaashiga labada dal

by: Staff Reporter | Saturday, 20 November 2021 22:36 EAT
0 Comments
1741
Muqdisho (so.diplomat.so) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa saaka oo Sabti ah ku qaabilay Muqdisho, Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Kate Foster OBE.
Intii lagu guda jiray kulanka waxa ay uga wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga iyo ka tashiga xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida inteeda kale ee taabanayay danaha guud ee labada dal. 

Related Items


Leave a comment