Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Shir ka dhacay Laascaanood oo looga hadlay amniga

by: Super Admin | Wednesday, 14 January 2026 14:55 EAT
0 Comments
323
Muqdisho (Lamaane.net) - Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood.
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari , Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.

Shirka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta amniga iyo diyaargarowga munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo la isla qaatay qorshayaal lagu xaqiijinayo amni buuxa inta ay munaasabadda socoto.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items