Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay dhiggiisa Qatar qoto-dheeraynta xiriirka

by: Staff Reporter | Thursday, 11 May 2023 03:38 EAT
0 Comments
6626
Doha (Lamaane.net) - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta oo Arbaco ah, Magaalada Dooxa, kula kulmay Dhiggiisa Qatar, Mudane Sultan bin Saad Al Muraikhi, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyo sidoo kale fursadaha horumarinta dhinacyada iskaashiga iyo maalgashiga.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah iyo iskaashi istiraatiiji oo adag.

Related Items


Leave a comment