Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Agaasimaha Isbitaalka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha CIMIC ee TurkSom

by: Staff Reporter | Tuesday, 16 June 2026 20:27 EAT
0 Comments
13
Muqdisho (Lamaane.net) - Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si diiran u soo dhoweeyey Taliyaha CIMIC ee TurkSom oo booqasho shaqo ku yimid isbitaalka.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray waxqabadka isbitaalka, tayeynta adeegyada caafimaadka, iyo daryeelka bukaannada naafada ah ee ka tirsan ciidamada iyo shacabka rayidka ah.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay horumarinta kaabayaasha isbitaalka, gaar ahaan dhismaha iyo ballaarinta saaladda qaliinka OT, iyo dib-u-habeyn lagu sameeyo qeybaha adeegga si loo xoojiyo tayada daryeelka caafimaad ee la siinayo ciidanka & bulshada.

Maamulka Isbitaalka ayaa uga mahadceliyey Taliyaha CIMIC booqashadiisa iyo dhiiragalinta uu u muujiyey horumarinta adeegyada caafimaadka ee uu qabto Isbitalka Xoogga.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items