Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay dhiggiisa Qatar xoojinta iskaashiga

by: Staff Reporter | Thursday, 11 May 2023 16:35 EAT
0 Comments
6633
Doha (Lamaane.net) - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta oo ah Khamiis, kula kulmay Magaalada Dooxa, dhiggiisa Qatar, Mudane Dr. Mohammed bin Abdulaziz bin Saleh Al-Khulaifi, isaga oo kala hadlay xiriirka wanaagsan ee labo geesoodka ah iyo xoojinta dhinacyada iskaashiga ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah. Waxaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami ee muhiimadda u lahaa labada dhinac.
Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku naaloonaya xiriir fog oo taariikh soo jireen ah leh , kuna sifaysan aragti istiraatiijiyadeed oo sal-adag.

Related Items


Leave a comment