Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Booliska Gobolka Banaadir oo hub kala baxay Elite hotel

by: Staff Reporter | Monday, 8 June 2026 23:24 EAT
0 Comments
4
Muqdisho (Lamaane.net) - Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir , Col. Macallin Mahdi ayaa sheegay in 25 qori nooca AK47 oo ay leeyihiin ilaalada hotel-ka aan lagala wareegin, isaga oo caddeeyay in ay la wareegeen hub sharci darro oo qol ka mid ah oo xabaduhu karin ee hotel-ka lagu keydiyay.
Wuxuu beeniyay in dowladdu la wareegtay hotel-ka, isaga oo sheegay in dowladdu dhiirrigelinayso maalgeshiga, isaga oo xusay in Elite hotel u shaqayn doono sidii looga bartay , isaga oo tilmaamay inuu qeyb lixaad leh ka qaatay billicda caasimadda Muqdisho iyo koritaanka ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Wuxuu sheega in hubka lala wareegay ay ka mid yihiin gaari nooca Soomaalidu u taqaan "Cabdi-bile" la buufiyay, dhowr baasuuke, jebshe, qoriga liishka dheer, labo diyaaradaha iskood u duula ee wax sawira, dhowr qori PKM, iyo rasaas.

Col. Macallin Mahdi, wuxuu beeniyay in ay jebiyeen qolka hubka laga soo saaray, isaga oo waxba kama jiraan ku sheegay in miino lagu xiray albaabka qolkaasi.


Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items