Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Maleeshiyo beeleed ka kala tirsan Makanne iyo Jijeelle oo heshiis gaaray

by: Staff Reporter | Wednesday, 26 May 2021 11:19 EAT
0 Comments
1423
Beledweyne (Lamaane.net) - Waxaa maalintii shalay oo Talaado ahayd heshiis horudhac ah laga gaaray dagaal beeleedyadii horaantii bishan ka soo cusboonaaday deegaannada dhaca galbeedka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Mas'uuliyiin ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabelle oo maalmahaanba kulamo la lahaa Odayaasha Dhaqanka iyo Waxagaradka labada dhinac ayaa ku guuleystay in is faham horudhac ah laga gaaro xiisadda, iyagoona soo saaray shan qodob oo lagu heshiiyay.

Maleeshiyo beeleedka ka kala tirsan Makanne iyo Jijeelle  ee ku dagaalamay galbeedka Beledweyne ayaa heshiis si wadar oggol ah u qaatay.


Related Items


Leave a comment