Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Horjooge ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Cali Gaduud

by: Staff Reporter | Sunday, 23 August 2026 14:24 EAT
0 Comments
11
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS)
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS)
Muqdisho (Lamaane.net) - War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labo ka tirsan ciidamada Macawiisleyda deegaanka Wargaadhi ay galabnimadii 21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal, oo qiyaastii shan (5) KM u jirta Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ku khaarijiyay horjooge muddo dheer ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamuud Odawaa, kuna magacdheeraa (Faadhuud), ayaa 57 jir ahaa. Wuxuu kooxda argagixisada ah ku biiray sannadkii 2009, xilligaas oo uu ku sugnaa deegaanka Cali Gaduud.

Faadhuud ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa sahminta goobaha ay ka samaystaan fariisimaha qarsoon iyo waddooyinka ay u adeegsadaan abaabulka weerarrada gobolka Shabeellaha Dhexe. Aqoonta uu u lahaa juqraafiga gobolka ayuu u adeegsanjiray hagidda maleeshiyaadka iyo u fududeynta falalka argagixisada ee ka dhanka ah shacabka iyo ciidamada.

Wuxuu si gaar ah ugu lug lahaa tilmaamidda dhul-kaymeedka ku xeeran Cali Gaduud, oo ay ka mid yihiin Juxaay, Warta Dibisamatar, Bacadka Laandheer iyo Quracda Nayleey, halkaas oo uu kooxda u sahmiyay meelo ay ka qotaan godad iyo gabbaadyo qarsoon.

Goobahaas ayuu u xushay in ay yihiin dhul hawd ah oo ay adag tahay in la gaaro, kana fog shacabka iyo waddooyinka caadiga ah, si maleeshiyaadka Khawaarijtu ugu dhuumaaleystaan ugana abaabulaan dhagartooda.

Howlgalka lagu khaarijiyay horjoogahan ayaa waxaa fuliyay laba geesi oo ka tirsan ciidamada deegaanka, kuwaas oo xeelad ugu dhowaaday, kaddibna ku dilay hub gacmeed.

Khaarijinta Faadhuud ayaa dhabarjab ku ah shabakadda Khawaarijta ee sahminta iyo hagidda weerarrada gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaannada Cali Gaduud iyo dhul-kaymeedka ku xeeran.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items