Muqdisho (Lamaane.net) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda DanQaran 2022–2026, taasi oo lagu dhex diyaarinayo Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran muddadii ay jirtay ku tallaabsatay guulo wax-ku-ool ah, kuwaas oo ay saldhig u yihiin Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Hiigsiga Qarni-jirka ah ee 2060, oo ah aragti ka timid madaxda sare ee dalka.
Howl-wadeennada diyaarinaya warbixinta wax-qabadka Xukuumadda ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha, waxyaabihii ka hirgalay Lixda Tiir ee amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, Soomaali-heshiis ah, dunidana heshiis la’ah, iyo Garsoorka, iyada oo warbixinta ay muujisay koror weyn oo dhinac kasta ah.
Xamsa, waxa uu sheegay in loo baahanyahay dadaal, midnimo iyo isku-duubni iyo wada-shaqayn, si bulshadu ugu tallaabsato horumar muuqda oo la taaban karo. Waxa uu xusay in aynu u soconnaa Soomaali mid ah, aysan argagixiso joogin, Soomaali barwaaqo ah oo Khayraadkeeda lasoo baxday, dalkeedana maalgashatay.
"Waxa aan doonaynaa in laga wada shaqeeyo horumarka Qaranka, hirgalinta hiigsiga dalkeenna iyo midnimada ummadda, waxa aan hubaa in meesha aan u soconno ay fogtahay oo aysan dhowayn, wali kow ma joogno waxa ina sugaya jid-dheer oo u baahan samir iyo adkaysi, waxa aynu u soconnaa Soomaali mid ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Xamsa Cabdi Barre, oo carrabka ku adkeeyay in Warbixinta Wax-qabadka ayaa sheegay in warbixinta wax-qabadka ay qeyb ka tahay dhaqanka la-xisaabtanka Xukuumadda DanQaran iyo shacabka Soomaaliyeed, si bulshada loogu soo bandhigo wax-qabad istus oo i taabsii ah.
Warbixinta waxaa qeyb ka ah diyaarinteeda dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, iyada oo warbixinta kama dambaysta ah loo gudbiyay Akadeemiyad Goboleedka Afka iyo Dhaqanka si loogu sameeyo tifaftir dhanka Qoraalka iyo Eray-bixinta afka Soomaaliga ah maadaamaa ay tahay dhaxa-reeb ah.

