Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Wasiir Fiqi oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

by: Staff Reporter | Sunday, 23 August 2026 22:11 EAT
0 Comments
14
Muqdisho (Lamaane.net) - Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles King.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga dalka, howlgallada socda ee ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, iyo xoojinta taageerada Boqortooyada Ingiriiska ee hay’adaha amniga Soomaaliya.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa sidoo kale ka wada hadlay mowduucyo kala duwan iyo xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, si loo yareeyo khatarta kooxaha argagixisada ah.

Wasiirka ayaa Boqortooyada Ingiriiska uga mahadceliyey taageerada iyo garab-istaagga ay siiso Soomaaliya.

Kulanka ayaa qeyb ka ah wadatashiyada joogtada ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada, horumarinta awoodda ciidamada iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items