Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Taliyaha booliska oo dhagax-dhigay saldhigga Masagawaay

by: Staff Reporter | Tuesday, 7 July 2026 15:41 EAT
0 Comments
3
Masagawaay (Lamaane.net) - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud ka dhagax dhigay saldhig booliis oo laga hirgelinayo deegaankaas si loo xoojiyo amniga iyo adeegyada dowladda.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka saldhigga ka howlgeli doona ay bulshada u adeegi doonaan, isla markaana ka hortagi doonaan falalka liddiga ku ah amniga, isagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay'adaha amniga. Intaas kadib, wuxuu kormeer ku tegay xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ay ka socotay diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Dhismaha saldhiggan booliis wuxuu door muhiim ah ka qaadanayaa adkeynta amniga deegaanka, dardargelinta ka jawaabista dhacdooyinka amni, iyo xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa ciidamada ammaanka iyo bulshada. Sidoo kale, saldhiggu wuxuu fududeynayaa bixinta adeegyada booliiska, ilaalinta shacabka iyo hantidooda, hirgelinta sharciga, iyo taageeridda dadaallada dowladda ee lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyey kooxda hubaysan ee Al-Shabaab.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items