Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Soomaaliya oo Daahfurtay Istaraatiijiyadda Isdhexgalka Gobolka

by: Staff Reporter | Tuesday, 11 August 2026 23:26 EAT
0 Comments
6
Muqdisho (Lamaane.net) - Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay shirka ka-baaraandegidda Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolka oo diiradda saaraysa isku-xirka dhaqaale, ganacsi iyo kaabayaal ee Soomaaliya iyo dalalka gobolka, ayna ka soo qayb-galeen qaar ka mid ah wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaliya, mas'uuliyiin ka socday hay'adaha kala duwan ee dawladda iyo khubaro farsamo.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in Qaaradda Afrika ay maanta tahay mid ka mid ah suuqyada u waaweyn caalamka, ee dunida inteeda kale doonayso in ay wax ka iibiso, Soomaaliya-na ay haysato fursaddii ay noqon lahayd buundadii isku xidhi lahayd caalamka intiisa kale iyo Afrika maaddaama ay leedahay xeebta u dheer Qaaradda Afrika.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay in caqabadda u weyn ee dalalka Afrika soo wajahayaan uu is-dhexgalka dhaqaale u weyn yahay maaddaama aysan jirin ganacsi ballaadhan oo dalalka qaaradda u dhexeeya, ayna muhiim tahay in aragti cilmi ku dhisan la la yimaado si fursaddahaas jira Soomaaliya iyo dadkeedu uga faa’iidi lahaayeen. 

Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolku waxa ay dejinaysaa jihada Soomaaliya uga faa’iidaysan karto marinadeeda ganacsi, dekedaha iyo soohdimaha, si loo fududeeyo ganacsiga, loo ballaariyo suuqyada, loo kobciyo maalgashiga, loo na xoojiyo isku-xirka dhaqaale ee Soomaaliya, Geeska iyo Bariga Afrika iyo qaaradda inteeda kale. 

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items