Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Elite hotel oo si KMG ah loo xiray

by: Staff Reporter | Monday, 8 June 2026 23:30 EAT
0 Comments
2
Muqdisho (Lamaane.net) - Maamulka Hotelka Elite ayaa been abuur ku tilmaamay war maanta kasoo baxay Booliska Soomaaliya sheegayna in Hotelku uu sii xirnaanayo inta isbadal ka imaanayo.
War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Elite ayaa lagu yiri"Waxaan Shacabka Soomaaliyeed lawadaagaynaa in uu been abuur yahay warka ay Saxaafadda la wadaageen qaar kamid ah ciidamada amniga.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay "Elite Hotel waa goob jiif, cunno iyo nasiinno  oo ay isugu yimaadaan si joogta bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana marqaati u ah shaqacabka Soomaaliyeed oo aad uga warqaba shaqada ama adeega uu Hotelku bixin jiray aad ayaana runti uga xunahay in hay’adihi Amniga ee masuuliyadoodu ahayd ilaalinta aminga iyo sumacadda ganacsiga ay sameeyaan been abuur si loo waxyeeleeyo sumcadda ganacsiga".

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay sidatan "Waxaan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan macaamiisheena sharafta leh ku wargelinaynaa annaga oo ka xun in uu Hotel-ku xirnaan doono ilaama laga helayo xal waara oo lagu xaqiijinayo amnigiisa iyo badqabka macaamiishiisa.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items