Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Taliska booliska oo ka shiray amniga guud ee dalka

by: Staff Reporter | Friday, 21 August 2026 19:43 EAT
0 Comments
9
Muqdisho (Lamaane.net) - Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee hoggaannada, qeybaha iyo fadhiyada madaxa-bannaan oo looga hadlay amniga guud ee dalka.
Saraakiisha ayaa si guud warbixin uga bixiyey guusha laga gaaray howlgalkii ay qaybta ka ahaayeen Ciidamada Booliiska ee lagu soo afjaray weerarkii Khawaariijta Al-Shabaab iyo malayshiyaadkii is bahaystay kusoo qaadeen Magaalada Beydhabo ,iyagoo doonayey inay qalqal-geliyaan amniga kajira maamul Goboleedka Koonfur-galbeed.

Taliye Asad ayaa Hoggaanka Baarista Dambiyada "CID" iyo qeybta guud ee Gobolka Banaadir faray inay dardargeliyaan dadaallada looga hortagayo falalka anshaxa suuban ka soo horjeeda ee mararka qaybtood dhalinyarada ku kucaan , waxaana uu bulshada ku bogaadiyey siday laamaha ammaanka ula wadaagaan xogaha la xiriira falalka xun.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items