Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal sifeyn ah ka bilaabay waddada xiriirisa Beydhabo iyo Deynuunaay

by: Super Admin | Tuesday, 30 March 2021 19:00 EAT
0 Comments
724
Beydhabo (Lamaane.net) - Ciidanka Xoogga Dalka (XDS) ayaa howlgal amni xaqiijin ka sameeyay waddada dheer ee xiriirisa Magaalada Beydhabo iyo Deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay.
Deynuunaay oo 26 km u jirta Magaalada Beydhabo ayaa waxaa ku soo noqnoqday weerarada ay ka gaysanayaan maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaan wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada Al Shabaab, intii ay howlgalka wadeen, iyagoona si nabdoon ku gaaray Deynuunaay.

Taliyaha Guutada 8aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Maxamed Nuur Maxamed (Mad Dheere) oo howlgalka hoggaaminayay ayaa geba-gabadii sheegay in ujeedka hawlgalka uu ahaa in laga hortago dagaalyahannada Al shabaab.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Deynuunaay waxaa uu ku hanjabay inay tagi doonaan goob kastaa, oo maleeshiyada Al Shabaab ku dhuumaaleysanayaan, sida uu yiri.

Related Items


Leave a comment