Xudur (Lamaane.net) - Taliyaha Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/le Ciise Jeelle Isaaq, iyo Taliye Ku-xigeenka Guutada, Dhamme Cilmi Aadan Isaaq, ayaa kormeer iyo dhiirrigelin ugu tagay cutubyo ka tirsan Guutada 9-aad oo fariisin ku leh duleedka degmada Xudur, xarunta Gobolka Bakool.
Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay sii laba-jibaaraan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ay xoojiyaan dadaallada lagu sugayo amniga shacabka iyo deegaannada ay ku sugan yihiin.

