Beydhabo (Lamaane.net) - Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, ayaa maanta sheegtay in jab lixaad leh ay gaarsiisay xoogaga Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya duleedka degmada Beydhabo.
Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in Seddex xarumood oo Khawaarijtu ku lahaayeen Duleedka Beydhabo lagu burburiyey madaafiic ay ganayeen ciidamada Itoobiya ee ka qeybta ah Howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya (AUSSOM).
Wasaaradda Amniga ayaa caddaysay in ciidamada ammaanka ay xalay saacadu markay ahayd 10:00 fiidnimo ay howlgal qorshaysan ka fuliyeen xrumo ku yaalla qiyaastii 30 KM daafaha magaalada Beydhabo.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday seddex xarumood oo ay halkaasi ku lahaayeen kooxda Khawaarijta, kuwaas oo lagu burburiyey hubka ridada dheer.
Wasaaradda Amniga ayaa xustay in howlgalka lagu dilay 18 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, halka tiro kale oo badan lagu dhaawacay.
Ciidamada ammaanka ayaa weli wada howlgallo lagu xaqiijinayo amniga deegaanka iyo in laga hortago isku day kasta oo ay kooxaha Khawaarijtu ku doonayaan inay dib ugu soo laabtaan goobahaasi.

