Beydhabo (Lamaane.net) - Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad, ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Howlgalka ayaa laga sameeyay deegaannada Besiqow, Salan Maroode, Habar Gare, iyo Awbariyow, halkaas oo ciidamada ay ka sameeyeen baaritaanno amni iyo howlgallo lagu xaqiijinayo nabadgelyada, laguna baacsanayo kooxda Al-Shabaab ee isku dayaya inay qalqal geliyaan amniga shacabka.
Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ugu jiraan sugidda amniga, xoojinta xasilloonida, iyo ilaalinta badbaadada shacabka ku nool deegaannada Gobolka Baay.
Saraakiisha Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo kooxda nabad-diidka ee Al-Shabaab, iyagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga si loo xaqiijiyo nabad waarta.

