Muqdisho (Lamaane.net)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Jimcihii, 10-ka Luulyo, tababbar u soo xiray saraakiil iyo saraakiil-xigeenno si guul leh u dhammaystay waxbarashadooda milatari ee Dugsiga Tababarka ee TURKSOM ee magaalada Muqdisho.
Saraakiishan iyo saraakiil-xigeennadan ayaa muddo tababbar iyo waxbarasho ciidan ku qaatay dugsiga, iyagoo bartay hoggaaminta, xeeladaha dagaalka iyo xirfadaha kale ee lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa daawaday dhoolatus ciidan oo ay si wadajir ah u soo bandhigeen saraakiisha, saraakiil-xigeennada iyo cutubyada ay hoggaamin doonaan. Waxa uu ku bogaadiyey dadaalka, adkaysiga iyo hufnaanta ay muujiyeen muddadii uu tababbarkoodu socday, isaga oo xusay inay yihiin hoggaamiyeyaasha berri ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, lagana filayo inay si daacadnimo, aqoon iyo waddaniyad ku dheehan tahay ugu adeegaan qarankooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku adkeeyey saraakiisha qalin-jabisay inay kaalin muuqata ka qaataan xoojinta tayada ciidanka, ilaalinta amniga dalka iyo difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Waxa uu sheegay in dowladdu ay sii wadi doonto horumarinta tababbarada iyo tayeynta ciidamada, si loo helo ciidan qaran oo xirfad sare leh, awoodna u leh gudashada waajibaadka ka saaran sugidda nabadda iyo difaaca dalka.

