Muqdisho (Lamaane.net) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhagxaan waaweyn dhigtay bartamaha isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho oo ka mid ah waddooyinka ugu waaweyn ee caasimadda.
Gaadiidka adeegsada waddada Maka Al Mukarama ayaa hadda laga bilaabo waxaa ku adkaanaysa in ay u leexdaan waddada aada dhanka isgoyska Bakaaraha ama dalcadda degmada Waaberi.
Lama garanayo sababta keentay in waddadan lagu jaro dhagxaan xalay xilli dambe.
Talaabadan ayaa imaanaysa iyadoo shalay subax gaari ismiidaamin oo qarax ka buuxay, noociisuna ahaa "Toyota Noah" uu xoog ku jiiray bar hubin amni oo ku taal agagaarka Isgoyska, iskuna qarxiyay meel u dhow rugta baarista amniga ee Isgoyska Sayidka , waxaana qaraxaasi uu sababay geerida naftii haligaha iyo dhaawaca todobo qof sida ay sheegeen Booliska.

