Muqdisho (Lamaane.net) - Cabdullaahi Maxamed Nuur, milkiilaha Elite hotel ee Muqdisho ayaa ku eedeeyay ciidamada ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku xadgudbeen hotel-kiisa, isla markaana maalintii seddexaad ay gudaha ugu jiraan.
Cabdullaahi , oo qoraal ku faafiyay akoonkiisa Facebook ayaa sheegay in ciidamadu burburiyeen qeybo ka mid ah hotel-ka, sidoo kale la bililiqaystay hanti taallay gudaha, isaga oo xusay inuu soo bandhigi doono hantida maqan, lana wadaagi doono ummadda Soomaaliyeed.
Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sidatan qoray " Waxaan sidoo kale la soconnaa in gudaha hotel-ka lagu daabulay hub culus, iyadoo ujeeddadu tahay in si been abuur ah la is kugu sawirro hubka ay gudaha u geliyeen si loo sumcad xumeeyo goobtaas ganacsi.
Cabdullaahi, waxa uu sidoo kale xusay in hubka yaalla hoteelka uu yahay mid fudud oo keliya, laguna ilaaliyo amniga iyo bedqabka shacabka iyo martida hotel-ka.

