Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Madaxweynaha oo shir-guddoomiyay Taliyeyaasha ciidamada iyo Wasiirrada KGS

by: Staff Reporter | Tuesday, 7 April 2026 19:24 EAT
0 Comments
89
Madaxweynaha oo shir-guddoominaya kulanka wadajirka ah ee Taliyeyaasha heer qaran iyo Wasiirrada KGS.
Madaxweynaha oo shir-guddoominaya kulanka wadajirka ah ee Taliyeyaasha heer qaran iyo Wasiirrada KGS.
Beydhabo (Lamaane.net) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Hoggaamiyaha KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil C/rashiid Xaaji Cabdi ayaa magaalada Beydhabo ku guddoomiyay, shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
Shirka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, dardargelinta howlaha xasillinta, sugidda amniga, la dagaallanka argagixisada, gurmadka abaaraha iyo isku dubbaridka dadaallada dowladeed ee lagu xaqiijinayo nabad  iyo horumar waara oo ka hanaqaada guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha oo warbixinno faahfaahsan ka dhageystay Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiinta amniga dalka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay mideynta awoodda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka, si loo dardargeliyo adeegyada bulshada, dib u dhiska hay’adaha maamulka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha deegaanka.

Related Items


Leave a comment