Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Hormuud Salaam Foundation oo gargaar gaarsiisay naafadda Xoogga dalka Soomaaliyeed

by: Staff Reporter | Wednesday, 29 March 2023 13:11 EAT
0 Comments
2082
Muqdisho (Lamaane.net) - Hormuud Salaam Foundation ayaa timir iyo lacag caddaan cash ah gudoonsiisey, Naafada Ciidamada Militariga ee ku naafoobay dagaalkii 1977 ee Ethiopia iyo Soomaaliya dhexmaray ee ku nool gudaha Isbitaalka Martiini ee magaalada muqdisho.
Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Abdullahi Nur Osman , ayaa sheegey in naafada ciidamada  Soomaaliyeed ay yihiin dad u soo naafoobay dalkaan, markastaana ay garab taaganyihiin, kaalmeyn doonaana mar kastaa oo suuragala. 



Guddoomiyaha Naafada Xooga dalka, Mudane Abdullahi Faarax Shuuriye, iyo afhayeenka Abdullahi Maxamed Ducaale oo goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Hormuud Salaam Foundation, garab istaagooda iyo caawintooda joogtada , waxaana Allah uga baryeen inuu xoolahooda u barakeeyo.

Related Items


Leave a comment