Muqdisho (Lamaane.net) - Hey'adda Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq raashiin ah maanta gaarsiisay Isbitaalka Laansareeti oo ku yaala magaalada Muqdisho , laguna daweeyo dadka dhimirka la' .
Hey’adda Hormuud Salaam Foundation oo dardar gelinaysa mashruuca taakuleynta iyo af-furinta dadka masaakiinta ah ayaa waxaa isbitalka ay gaarsiisay raashiin isugu jira bur, bariis, sokor, saliid iyo timir.
Guddoomoye kuxigeenka Hormuud Salaam Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi oo ugu horeyn kahadlay munaasabadda wareejinta deeqda ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay wax u qabashada dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba ee hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay fulineyso bisha barakaysan ee Ramadaan.

Agaasimaha Isbitaalka Lansareeti Dr Faadumo Cabdi Mocow ayaa kaga mahad celisay Hey’adda Hormuud Salaam Foundation gargaarka , iyadoo sheegtay inaysan ahayn markii ugu horreysay ee mar walba oo la gaaro bisha Ramadaan ay il gaar ah ku fiiriso dadka danta yar.
Dhanka kale, Hey’adda Hormuud Salaam Foundation waxa ay gaarsiisay labo boqol oo haween danyar deeq isugu jirta lacag iyo timir.
Munaasabada deeqdan lagu gudoonsiinayay haweenka ayaa waxaa ka hadashay Raaxo Xuseen Xirsi oo ka socotay Hey’adda Hormuud Salaam Foundation oo sheegtay in deeqdan ay ugu talagaleen in haweenka danta yar ay u noqoto kaalmo inta lagu jiro bisha Ramadaan.
Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa kaga mahdcelisay Hey’adda Hormuud Salaam Foundation sida mar waliba ay u garab taagantahay haweenka danta yare ee aan waxba heysan.
Hey’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa dardar galinaysa caawinta dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba iyadoo hey’addu marka lagaaro bisha barakeysan ee Ramadaan ay fuliso mashaariicda noocan oo kale ah.


Leave a comment