Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Shirkadda Hormuud oo 700,000 USD ku deeqday gurmadka abaaraha

by: Staff Reporter | Wednesday, 11 March 2026 17:40 EAT
0 Comments
74
Drought is making finding clean water harder for women and girls, who are the primary water collectors, like here in Baligubadle, Somaliland. Extreme conditions are also forcing families who have lost their livelihoods to move to internally displaced persons (IDP) camps. © UNDP Somalia

Muqdisho (Lamaane.net) - Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, ayaa ku dhawaaqday in deeq lacageed oo dhan $700,000 USD ay uga qeyb-qaadanayso gurmadka abaaraha.
Qoraal ay ku faafisay barteeda Facebook ayaa waxa ay ku sheegtay " Annaga oo gudanayna waajibka naga saaran samatabixinta bulshadeenna ayaan ugu deeqnay $700,000 doollar dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ka jira gobollada dalka, si ay u helaan biyo, cunto iyo adeegyada aasaasiga ah ee nolosha."

Hormuud oo taabagelinaysa yabooheeda maaliyadeed, ayaa waxa ay maanta biyo-dhaamin u sameynay qoysas ku nool duleedka degmada Doolow ee gobolka Gedo. 

Gurmadkan bani’aadamnimo ayaa qeyb ka ah dadaallada ay shirkaddu ku bixinayos badbaadinta nolosha dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan gobollada dalka.  

Related Items

Leave a comment