Muqdisho (Lamaane.net) - Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa maanta caasimadda Muqdisho kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Marwo Kate Foster, Safiiradda Boqortooyada Ingiriiska ( UK) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa u rajeeyay Safiiradda cusub ee UK in ay ku guuleysato howlaha loo igmaday, isagoo u caddeeyay inuu ku garab is-taagayo wax waliba oo horumarinaya xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibka ah si loo gaaro iskaashi dhow oo dhinacyo kala duwan leh.


Leave a comment