Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Wasiir Fiqi oo qaabilay Safiirka Pakistan

by: Staff Reporter | Thursday, 20 August 2026 12:00 EAT
0 Comments
13
Muqdisho (Lamaane.net) - Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Aqsa Nawaz.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan, hirgelinta Is-afgaradka labada dal, iyo sidii loo dardargelin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada tababarka, tayeynta iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed iyo ballaarinta iskaashiga amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, iyadoo lagu saleynayo danaha wadajirka ah iyo is-ixtiraamka labada dal.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, iyo U-qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Pakistan, Kornayl Maxamed Inam Khattak.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items