Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Madaxweynaha oo guddoomay warqadaha 7 safiir

by: Staff Reporter | Wednesday, 19 August 2026 23:04 EAT
0 Comments
12
Muqdisho (Lamaane.net) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirro cusub oo ka socday Toddobo dal.
Safiirrada cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:

1-Danjire Mohamed Alim – Aljeeriya
2-Danjire Joao Alfredo Dos Anjos – Brazil
3-Danjire Dr. Adarsh Swaika – Hindiya
4-Danjire Dr. Madou Diallo – Mali
5-Danjire Aung Min Oo – Myanmar
6-Danjire Danlami Ibrahim – Nigeria
7-Danjire Aqsa Nawaz – Pakistan

Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha ka dhageystay warbixinno ku saabsan qorsheyaashooda iyo mudnaantooda ku aaddan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safiirrada cusub u rajeeyay in muddada ay xilalkooda hayaan ay kaalin wanaagsan ka qaataan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo dalalkooda, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga siyaasadeed, dhaqaalaha, horumarinta, amniga iyo arrimaha bulshada.

Dhankooda, safiirrada cusub ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay farriimo iyo salaan ay ka sideen madaxda dalalkooda, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay ka shaqeynta horumarinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items