Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Madaxweynaha oo dhagax-dhigay waddo laga dhisayo Beydhabo

by: Staff Reporter | Tuesday, 7 July 2026 02:03 EAT
0 Comments
2
Beydhabo (Lamaane.net) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha waddo laami ah, taasi oo isku xiri doonta Gegidda Diyaaradaha Shaati-Guduud iyo saldhigga dhexe ee magaalada Beydhabo.
Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ku horumarinayaan kaabeyaasha dhaqaalaha, fududeynta isu socodka bulshada iyo gaadiidka, kor u qaadista adeegyada magaalada iyo dardargelinta koboca ganacsiga.

Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa iyaguna billihii ugu dambeeyay horumarro waddo dhisid ah ka waday magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Garoowe.

Mashaariicdan kaabeyaasha ah waxay ka tarjumayaan dadaallada sii xoogeysanaya ee lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah, laguna xoojinayo isku xirka magaalooyinka dalka, si loo abuuro fursado horumarineed oo waara, una sahla dhaqdhaqaaqa bulshada iyo ganacsiga.


Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items