Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Afar cunto carbeed oo noqday kuwa ugu sarreeya dunida

by: Staff Reporter | Sunday, 7 June 2026 00:50 EAT
0 Comments
7
Muhammara, waa cunto caan ka ah dalka Suuriya.
Muhammara, waa cunto caan ka ah dalka Suuriya.
Beirut (Lamaane.net) - Afar ka mid ah cuntooyinka Carbeed ayaa ka mid noqday liiska 10-ka cunto ee ugu wanaagsan ee khudradeed dunida, sida ay faafisay mareegta TasteAtlas. Liiskan ayaa lagu qiimeeyaa cuntooyinka dhaqameed ee laga sameeyo maaddooyinka dabiiciga ah ee aan hilibka ku jirin, kuwaas oo caan ku ah dhadhankooda iyo qiimahooda nafaqo.
10-ka cunto ee ugu sarreeya liiska ayaa kala ah:

Kaalinta 1-aad: Muhammara (Suuriya)
Kaalinta 2-aad: Zeytoon Parvardeh (Iiraan)
Kaalinta 3-aad: Badrijani (Joorjiya)
Kaalinta 4-aad: Xumus (Lubnaan)
Kaalinta 5-aad: Fattoush (Lubnaan)
Kaalinta 6-aad: Baba Ghanoush (Lubnaan)
Kaalinta 7-aad: Lobio (Joorjiya)
Kaalinta 8-aad: Pisto (Isbayn)
Kaalinta 9-aad: Arroz Rojo (Meksiko)
Kaalinta 10-aad: Misal Pav (Hindiya)

Guusha ay gaareen cuntooyinka Carbeed ayaa muujinaysa sumcadda sii kordheysa ee cunnada Bariga Dhexe ee caalamka, gaar ahaan cuntooyinka ku saleysan khudradda, digirta iyo saliidda saytuunka. Muhammara oo hoggaamisay liiska ayaa ah cunto Suuriyaan ah oo laga sameeyo basbaas cas, laws iyo xawaashyo kala duwan, halka Xumus, Fattoush iyo Baba Ghanoush ay ka mid yihiin cuntooyinka ugu caansan ee laga helo Lubnaan iyo guud ahaan gobolka Bariga Dhexe.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items