Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Machadka Diblomaasiyadda oo soo bandhigay buugga Diblomaasiyadda iyo Dunida

by: Staff Reporter | Monday, 24 January 2022 18:37 EAT
0 Comments
2229
Muqdisho (Lamaane.net) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa kaga qeybgalay shalay oo Axad ahayd (23 Janaayo) Caasimadda Muqdisho, daahfurka buugga (Diblomaasiyadda iyo Dunida) ee uu alifay diblomaasiga xeel-dheeraha ah Mudane Cabdi Shire Warsame, oo lataliye sare ka ah Wasaaradda.
Xafladda lagu soo bandhigayay buugga waxaa ka soo qeybgalay tiro ka mid ah diblomaasiyiinta rug cadayaasha ah oo uu ka mid yahay Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu ka mid yahay Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda Mudane Cabdiweli Xasan Xuseen (Fadilatahu).

Qoraa sare Cabdi Shire wuxuu alifay buugaag badan, waxaa ka mid ah labadiisa buug ee caanka ah ee kala ah (Hoggaaminta Wanaagsan) iyo (Xallinta Khilaafka) , waxaanu ka mid yahay macallimiinta ugu wanaagsan ee Machadka.

Related Items


Leave a comment