Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Tukaha waa shimbirka ugu caqliga badan dunida

by: Staff Reporter | Tuesday, 14 April 2026 18:11 EAT
0 Comments
63
Tuke
Tuke
Tuke (Qaarqaarka) waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay shimbiraha ugaadha ee ugu caqliga badan. Waxa uu leeyahay garaad ay saynisyahannadu ku qiyaasaan kan ilmo shan jir ah.
Dhammaan cilmi-baarista saynisku waxay caddeeyeen awoodaha maskaxeed ee tukaha, maadaama uu leeyahay maskaxda ugu weyn shimbiri ay yeelato.

Astaamaha tukaha 

Tukuhu waxa uu leeyahay awood uu ku fahmo sababta iyo natiijada (cause and effect), isaga oo leh xusuus aad u xooggan, taasi oo u suurragelisa in muddo dheer xasuusnaado wejiyada dadka.

Tukuhu waxa uu ku dhaqaaqaa iskudayo iyo habab dabiici si uu u helo wax uu quuto, isaga oo leh nidaam u eg sharciyada aadanaha, gaar ahaan abaalmarin iyo ciqaab.

Tukuhu waxa uu si cad uga fiican yahay shimbirta loo yaqaan baqbaqaaq markii loo eego hab isku dayiddiisa codadka iyo dhawaaqa dadka, waa haddii lagu barbaariyo isaga oo da' yar.  Sidoo kale garaadkiisu wuxuu ka sarreeyaa kan daanyeerrada, iyada oo lagu qiyaaso inuu u dhigmo caqliga ilmo shan jir ah.

Tukuhu waxa uu leeyahay "maxkamado” u gaar ah oo ay ku ciqaabaan tukayaasha ku xadgudba cuntada, dhallaanka ama dheddigga kale; waxayna ku ciqaabaan garaacid, cayrin, mararka qaarna dil. Tukaha aan u hoggaansamin xeerarka ayaa la xukumaa inta badan, mutaystana ciqaad adag.

Dunida Tukaha

Tukuhu had iyo jeer waxa uu soo jiitaa waxyaabaha midabada leh iyo kuwa dhalaala, sida dahabka, lacagta, jijimada qalinka, iyo waxyaabaha laga dhalaaliyo dahabka, sidaas darteed buulkiisa lagama waayo waxyaabahaasi ifa iyo gaballo saabuun ah.

Haddii tuke geeriyoodo, waxaa ay ku xoomaan agagaarkiisa, taasi oo ka dhigan aas iyo baroor-diiq. waxa ayna iskugu yimaadaan ogaanshaha sababta dhimashada; haddii ay ka war-helaan in la dilay, dhammaantooda ayaa isugu taga oo eryada tukihii falka gaystay illaa ay ka saaraan goobta ama  ay ciqaabaan, waxa ayna si wadajir ah u aasaan tukihii dhintay.

Tukuhu wuxuu awoodaa soo saaridda dhawaaqyo dheer oo kala duwan, kuwaas oo saynisyahannadu ku tilmaamaan "Af-Isgaarsiineed.” Waxa ay u adeegsadaan baaqaasi luqadeed inay aaggooda kaga fogeeyaan bisadaha, guumaysta, iyo xitaa dadka; marka uu tukuhu qeylo-dhaamiyo, waxaa loo fasirtaa oo ay ka dhigantahay gurmad-weydiisi.

Tukuhu waxa uu ku noolyahay dhammaan dunida, marka laga reebo Qaaradda Koonfureed ee Barafka ee loo yaqaan Antaarkitika (Antarctica), buuralayda kaymaha ah, kaymaha leh geedaha qudhaca iyo showriyaasha isku-xidhan ee shugga ah, kaymaha leh geedaha caleemuhu ka daataan, kaymaha cagaaran, lama-degaanka, dhulka daaqsinka, dooxooyinka, iyo hareeraha kaymaha roobaysan, sidoo kale magaalooyinka iyo tuulooyinka.

Tukuhu waa geesi; kama baqo gorgor-ka iyo shimbiraha kale ee ugaadha, taasi beddelkeeda wuu weeraraa, wuu qalqal-geliyaa, waxa ayna ku qasabtaa gorgorka in duulitaan sare uu sameeyo si uu uga fogaado dhibaatada tukaha.

Tukuhu waxa ay isku urursadaan si koox ah si ay uga takhalusaan kan bukaanka ee cudurkiisu ay u arkaan inuu halis ku yahay jiritaankooda si loo xakameeyo faafidda xanuunkaasi halista leh. 

Tukaha waxaa loo tiriyaa inuu ka mid yahay shimbiraha u saaxiibka ah deegaanka, gaar ahaan beeraleyda, maadaama uu quuto cayayaanka dhulka ku nool iyo waxyaabo kale oo lamid ah.

Tukaha wuxuu leeyahay awood uu ku tirin karo ilaa tirada lambar sagaal (9), taas oo lagu xaqiijiyay tijaabooyin; waxaa la arkay tuke aan ku degin dhulka oo sugaya ilaa ay 9 bakayle ka baxaan godkooda, ka hor inta uusan kan ugu dambeeya soo bixin.

Waxaa jira tukayaal midabkoodu caddaan yahay, kuwaas oo ah isbeddel hidde-side (mutation) ku dhacay tukaha, iyadoo noocani si weyn ugu faafay dalka Mareykanka.

Taranka (isku-tagga) tukaha

Xilliga taranka, tukuhu wuxuu bilaabmaa dhammaadka jiilaalka. Labku wuxuu gaaraa da’da taranka marka uu afar (4) sano jiro, halka dheddiguna uu ku gaaro da'da seddex (3) sano.

Dheddiggu waxa ay dhigtaa labo (2) illaa iyo lix (6) ukun buulkeeda, ukuntaas waxa ay dillaacdaa kadib qiyaastii 19 maalmood oo ay ku fadhido (ku kululeyso/ ku uumiso).

Hooyada tukaha ah waxa ay quudisaa dhallaankeeda ilaa ay ka gaaraan 45 maalmood, halka saygeeda uu keeno cuntada.

Dhallaanku waxay ka bixi karaan buulka kadib hal bil oo baxnaanin ah, qaarna waxa ay la sii joogaan waalidka ilaa xilliga taranka ee xiga.

Tukaha labka ah wuxuu la noolaadaa lammaantiisa inta uu nool yahay, haddii tuke lab ah u soo dhowaado, waxa uu u garaacaa si arxan darro ah si uu goobta uga fogeeyo, taasi oo loo arko daacadnimadiisa iyo dareenka jaceyl ee uu u qabo ooridiisa.

Related Items


Leave a comment