Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Jaamacadda Carabta

by: Staff Reporter | Wednesday, 5 October 2022 00:17 EAT
0 Comments
2522
Muqdisho (So.diplomat.so) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ahna Madaxa Ergada Ururka ee Soomaaliya, Mudane Salah Ahmed Al-Salah Elguneid, waxa uu kala hadlay xoojinta iskaashiga heerarkiisa kala duwan iyo fulinta heeshiisyadii horey uga dhexeeyey Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta.
Wasiirka ayaa ergayga uga warbixiyey howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida ee ka socda bartamaha iyo koonfurta dalka, iyo ololaha gurmadka loogu gargaarayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Related Items


Leave a comment