Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Hormuud Salaam Foundation oo $20,000 ugu Deeqday Iskuulka Mucaasar ee Muqdisho

by: Staff Reporter | Sunday, 26 December 2021 19:09 EAT
0 Comments
1729
Hormuud Salaam Foundation
Hormuud Salaam Foundation
Muqdisho (Lamaane.net) - Hormuud Salaam Foundation, ayaa maanta ugu deeqdey $20,000 (Labaatan kun dollar) Iskuulka Mucaasar, oo bur bur xoog leh kasoo gaarey qarax ka dhacay agagaarka Iskuulka 25 November 2021.
Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Mudane Abdullahi Nur Osman ayaa guddoonsiiyey lacagta kaalmada ah maamulaha Iskuulka, si ay gacan uga geystaan sidii Iskuulka dib loogu dhisi lahaa, iyadoo Iskuulka ay dhiganayeen tiro ka badan 1,000 (kun) arday oo isugu jira heerarka kala duwan ee dugsiyada hoose /dhexe iyo Sare.

Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation ayaa uga tacsiyeeyey maamulka, ardeyda iyo waalidiinta dhibaatadaa ku dhacday Iskuulka, wuxuuna Allah uga baryey inuu u fududeeyo dib u dhiskiisa, isagoo dhanka kale ugu baaqey dhammaan dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan inay gacan ka geystaan dib u dhiska Iskuulka, si dugsiga ugu suurtagasho inuu dib u howlgalo, ardeydana dib waxbarashadooda usii wataan.

Maamulaha Iskuulka Mucaasar, Mudane Mahad Faarax Shaaciye, oo ka guddoomay Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation kaalmadaa lacageed, ayaa ugu horreyn uga mahad celiyey Hey'adda Hormuud Salaam dareenka iyo garab istaaga ay siiyeen  Iskuulka, wuxuuna sheegey in kaalmadaan lacageed ay wax ka tari doonto sidii Iskuulka dib loogu howlgelin lahaa, isagoo dhanka kale ka codsaday dhammaan shirkadaha iyo ganacsatda Soomaaliyeed in ay sidaan oo kale soo kaalmeeyaan Iskuulka si mar kale uu dib ugu sii wado adeeggii waxbarasho oo uu u haayey ardayda Soomaaliyeed.

Fardowso Cali Faarax oo ka mid ah waalidiinta ardayda wax ka barata dugsiyada Mucaasar ayaa uga mahadcelisay Hey’adda Hormuud Salaam Foundation gurmadka ay la soo gaareen dugsiga si dib loogu howlgeliyo.

Related Items


Leave a comment