Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Keydka cajalada Radio Muqdisho oo la danabaynayo

by: Staff Reporter | Tuesday, 9 June 2026 13:57 EAT
0 Comments
2
Muqdisho (Lamaane.net) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta daah-furay dib u habeyn yo dayactir lagu sameynayo keydka Radio Muqdisho, si loo dardar-geliyo badbaadinta iyo casriyeynta dhaxalka maqalka ee taariikhiga ah ee Soomaaliya.
Daah-furka waxaa Wasiirka ku wehliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,  Agaasimaha Radio Muqdisho iyo mas'uuliyiin kale, kuwaas oo kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee kaydka iyo makiinadaha dib loo dayactiray ee lagu danabeynayo canjaladaha taariikhiga ah.

Agaasimaha Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo madasha khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn ka warbixiyey marxaladihii uu soo maray dib u dayactirka iyo casriyeynta keydka baaxada weyn ee Radio Muqdisho, isaga oo rajeeyey in tani bilow u noqoto in Keydka Radio Muqdisho uu helo Casriyeyntii ugu ballaarneyd maadaama madaxda Wasaaradda ka go'an tahay in keydka Digital loo beddelo.

Wasiirka ayaa sheegay in dayactirka iyo dib-u-habeyntan ay tahay horudhac muhiim u ah dadaal ballaaran oo Wasaaraddu ku casriyeynayso Kaydka Radio Muqdisho, si loo ilaaliyo loona badbaadiyo kumannaan cajaladood oo xambaarsan taariikh, dhaqan iyo xusuusta qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa bogaadiyay howl-wadeennada Radio Muqdisho iyo shaqaalaha Kaydka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu dardargelinayo casriyeynta cajaladaha kaydka, si jiilasha mustaqbalka ay uga faa’iideystaan dhaxalkan qaran.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay Hay’adda Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay ee UNESCO iyo Barnaamijka JFIT ee Dowladda Japan ee taageeraya Barnaamijka  Xusuusta Dunida ( Memory of the World), sameynta Warbixinta qiimeynta Kaydka Radio Muqdisho, iyo dib-u habeynta makiinadaha iyo qalabka  Kaydka.

Wasiirku wuxuu xusay in makiinadaha dib loo dayactiray ay yihiin bar bilow wanaagsan, balse aysan weli ku filnayn baaxadda weyn ee cajaladaha taariikhiga ah ee kaydka ku jira iyo badbaadintooda oo u baahan barnaamij ballaaran, loona baahan yahay Bulshada Soomaaliyeed, UNESCO iyo Saaxiibada kale ee caalamka in ay kaalin ka qaataam ololaha ay Wasaaraddu wado lagu  fududeynayo helitaanka xogta kaydka iyo dedajinta casriyaynta Cajaldaha waqti dheer kaydsan oo halis ugu jira baaba' iyo lumitaan.

Kaydka Radio Muqdisho waa hoyga ugu ballaaran  taariikhda Soomaaliya laga soo bilaabo 1951, waxaana wasaaradda waddaa dedaal lagu dardar galinayo casriyaynta canjaladaha.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items