Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

UNMAS oo gaadiid ku wareejisay Ciidanka XDS

by: Staff Reporter | Friday, 17 December 2021 13:29 EAT
0 Comments
1288
Beledweyne (Lamaane.net) - Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo howlo shaqo u jooga Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa tiro gaadiid iyo agab kaleba kala wareegay Hay'adda UNMAS.
Hay’adda Miino Baarista Qaramada Midoobey ee UNMAS ayaa gaadiidkan ugu talagashay inay uga qayb qaadato hawlgalada ay ciidamadu fulinayaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hay’adaasi kaga mahadceliyay taageeradeeda ciidamada, iyadoo aysan noqonayn markii ugu horreysay oo gaadiid ku wareejiso Taliska Xoogga Dalka.

19-kii bishii May ayay ahayd markii hay’addu ay sidatan oo kale gaadiid ugu wareejisay General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha oo Arbacadii gaaray magaaladaasi ayaa u joogga, sidii Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka uu u bilaabi lahaa hawlgal milatari oo ka dhanka ah Al Shabaab, waana xilli Beledweyne lagu wado in lagu qabto doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Related Items


Leave a comment