Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Soomaaliya oo wallaac ka muujiyay xarigga muwaadiniinteeda ku nool Zambia

by: Staff Reporter | Saturday, 30 October 2021 07:10 EAT
0 Comments
2025
Astaanta Qaranka Soomaaliyeed
Astaanta Qaranka Soomaaliyeed
Muqdisho (Lamaane.net) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan, waa arrin walaac dhalisay, waxa ayna xilligan ku howlantahay sidii cadeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia, loona xalin lahaa si degdeg ah arrintan aadka looga xumaaday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka go'an ka war-qabka iyo latacaalidda xaaladda muwaadiniinteeda ku nool dalka dibaddiisa.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items