Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Ingiriiska xiriirka labo geesoodka

by: Staff Reporter | Wednesday, 26 May 2021 23:16 EAT
0 Comments
1163
Muqdisho (Lamaane.net) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Arbaco ah, ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Kate Foster, isagoo kala hadlay xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee labada dal u dhexeeya iyo habka iskaashiga labo geesoodka iyo siyaabaha looga horumarin karo dhinacyo kala duwan.
Intii kulanka lagu gudo jiray ayaa waxaa lagu falanqeeyay dhowr arrimood oo siyaasad iyo amni la xiriiray, sidoo kale waxaa la looga wada hadlay xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ee labada dhinac wada danaynayeen.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items