Muqdisho (Lamaane.net) - Daraasado ayaa muujiyey in qaab-dhismeedka qaybaha kala duwan ee jirka uu la xiriiri karo astaamo ka mid ah shakhsiyadda qofka, sida qaabka faraha gacmaha ama cagaha, qaabka dhegaha, iyo xitaa qaabka indhaha. Waxaa la sheegay in xitaa qaabka qaybta hoose ee dhegta laga fahmi karo dabeecadda qofka. Waxa kaliya ee loo baahan yahay waa in aad muraayad is hor istaagto oo aad ogaato nooca aad ka tirsan tahay, iyadoo lagu salaynayo noocyada hoos lagu sharxi doono.

Dhegta ku dheggan wejiga
Dadka leh noocan dhegta, qaybta hoose ee xuubka dhegtu si toos ah ayay ugu xiran tahay wejiga, iyada oo aan jirin wax kala go’ ah ama xiriir dhex-dhexaad ah. Dadka noocan ah waxaa lagu gartaa inay yihiin kuwo aad u firfircoon oo xamaasad badan, isla markaana leh shakhsiyad iyo aqoonsi aad u adag. Waxay si qoto dheer ugu tiirsan yihiin naftooda, waxayna nolosha u wajahaan si toos ah oo kalsooni leh. Haddii aad ka mid tahay dadka noocan ah, waxaad u badan tahay qof lagu kalsoonaan karo, caqli badan, isla markaana ka duwan dadka kale.

Dheg-raarac
Noocan dhegta raaraca leh ee inyar leexad ku jiro, qeybteeda hoose ay ku xirmayso wejiga, ayaa waxaa lagu gartaa dadka leh astaantan, waxay badanaa yihiin kuwo firfircoon oo jecel farxadda iyo raynraynta. Si kastaba ha ahaatee, marka ay timaaddo arrimo culus, waxay ku tiirsan yihiin sabab iyo fikir macquul ah, waxayna jecel yihiin inay la doodaan dadka leh aragtiyo kala duwan.

Dheg-roor
Dadka leh noocan dhegta ee loo yaqaan Dheg-roor oo ah dheg si iskeed ah u quman, qaybta hoose si toos ah uguma xirna wejiga, balse way ka go’an tahay oo si xor ah ayay u lalmataa. Dadka noocan ah waxaa lagu gartaa inay yihiin kuwo aad u wanaagsan oo togan, waxayna jecel yihiin inay maalin kasta u noolaadaan si fudud oo ay nolosha u qiimeeyaan. Jaceylka waxay ku yihiin daacad, balse ma sii joogtayn karaan xiriir aan lahayn dareen jaceyl oo dhab ah iyo xiiso muuqda. Dhinaca la dhaqanka bulshada, waa kuwa ku wacan , xushmad iyo tixgelin ku tilmaaman.

