Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ka wadahadlay iskaashiga

by: Super Admin | Thursday, 11 March 2021 02:59 EAT
0 Comments
670
Addis Ababa (Lamaane.net) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta kula kulmay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa , Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat, isagoo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika. Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo ku salaysan arrimaha qaaradda ee labada dhinac ay danaynayaan oo ay ku jirto deganaanshaha gobolka iyo dib-u-cusboonaysiinta muddo sharciyeedka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Wasiirka ayaa uga warbixiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee uu dalku haatan ku sugan yahay.

Related Items


Leave a comment