Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Hormuud Salaam Foundation oo Wasaaradda Caafimaadka ugu deeqday haamanka Oksijiinka

by: Super Admin | Wednesday, 3 March 2021 23:10 EAT
0 Comments
543
Muqdisho (Lamaane.net) - Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Arbaco ah kaga guddoontay Muqdisho, 1,500 haamanka oksijiinka oo ay si bani'aadannimo ah ku tabarucday hey'adda 'Hormuud Salaam Foundation' si wax looga qabto masiibada ogsijiin yarida ka taaggan Soomaaliya si loo badbaadiyo bukaannada Karoona.
Cali Sheekh Yaasiin, oo ka mid ah mas'uuliyiinta sare ee hey'adda 'Hormuud Salaam Foundation' ayaa ku wareejiyay Wasiiradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abiikar Nuur, haamanka ogsijiinka si loola tacaalo bukaannada la liita ogsijiin yari, isagoo sheegay in HSF ay diyaar u tahay ka jawaabidda iyo wax ka qabashada xaaladaha degdega iyo baahiyada aas'aasiga ah ee laga maarmaanka ah ee Shacabka Soomaaliyeed.

Dhankeeda, Wasiiradda Caafimaadka Fawziya Abiikar ayaa ka mahadcelisay deeqdaasi, iyadoo xustay in haamanka ogsijiinka loo qeybin doono isbitaallada karantiilka COVID 19 loo gaar yeelay.

Isbitaalka De Martino ee Degmada Xamarweyne ayaa ah kan qura ee Muqdisho ee daweeya dadka uu soo rito Karoona feyrus.


.

Lamaane News Network | For inquiries: lamaane@lamaane.net | About Us

Related Items