Lamaane News Network – Somalia & Worldwide Coverage

Ciidamada Danab oo gacanta ku dhigay gaari hoomey ah oo ku rarnaa qarax

by: Super Admin | Sunday, 14 February 2021 13:56 EAT
0 Comments
646
Ciidamada Danab
Ciidamada Danab
Afgooye (Lamaane.net) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay gaari noociisu yahay Hoomey "Nissan Homy" oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaddib markii ay howlgal ka sameeyeen ciidamada qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.
Tuullada Cadcadey ee gobolka Shabeellaha Hoose oo gaariga lagu qabtay ayeey sheegeen saraakiisha dowladda in ay ku sii jeeday dhinaca magaalada Muqdisho, hasse ahaatee ciidamadu gacanta ku dhiggeen.

Gaarigan ayaa la sheegay in muddo ah lagu diyaarinayay walxa qarxa, islamarkaana Al-Shabaab ay doonayeen in ay ku weerarraan Muqdisho.

Warkan ayaa lagu daabacay bogga Idaacada Codka ciidamada ee dowladda Soomaaliya.

Related Items


Leave a comment